Ciidamo dheeraad ah oo lagaynayo magalada Marka

Image

31 Augusto, 2015(GO)-Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Somalia Shiriif Xasan Shiikh Aadan ayaa cadeeyay in magaalada Marka la geynayo ciidamo uu sheegay inay ka qayb qaadan doonan sugidda amaanka guud ee magaalada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose.


“Isbedal amni oo degdeg ah ayaa ka dhici doona magaalada Marka, waxaan ka xunahay wixii shacabka horay usoo gaaray, laakiinse maamulka Marka ayaa la dhameystiri doonaa, sidoo kalena magaalada oo dhan waxaan keeni donaa ciidamo amniga suga” ayuu yir Shariif.

Madaxwaynaha maamulka Koonfur-galbeed wuxuu ugu baaqay bulshada magaalada Marka inay la shaqeeyaan maamulka oo aysan  ka cabsan Al-Shabaab.

“Shabaab yaanan laga cabsan Ilaah ayaa wax dila , waa niman adduunka dambi ka soo galay maaha marka inay nagu soo dhuumaaleystaan, waa inaan iska kaashanna sidii aan isaga celin lahayn” Ayuu yiri madaxweynaha koonfur galbeed Somalia.

Hadalkan ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii magalada Marka ay tageen wafdi uu hogaminayay Sharif Xasan oo qeyb ka ahaa gudoomiyaha guddiga difaaca barlamanka kuwasi oo sheegey inuu ujeedkoodu yahay baaris lagu sameynayo wixii ka dhacay magaladaasi ee ay geeysteen AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM