Ciidamo diyaarad gaar ah looga soo daabulay Dhuusamareeb

Image
Askartan ayaa la sheegay in lagu soo celiyey magaalada caasimada ee Muqdisho halkaas oo kalkii hore laga qaadey.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay magaalada Dhuusamareeb diyaarado gaar ah kaga soo daabushay cutubyo kamid ah ciidamadda kumaandooska Gorgor.

Saraakiisha askartan oo xaqiijiyey dib-u-celinta ciidamadan ayaa ka gaabsadey in ay fahfaahiyaan sababta dhabta ah ee ka dambeysa wallow ay kusoo koobeen in ay la xiriirto "arrmo farsamo".

Askartan oo la qiyaasayo in ay u dhaxeyso tiradooda 100 illaa 300 ayaa la sheegay in lagu soo celiyey magaalada caasimada ee Muqdisho halkaas oo kalkii hore laga qaadey.

Cutubyadan ayaa qeyb ka ahaa dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee degaanada Galmudug gaar ahaan gobolka Mudug ka socday kuwaasoo lagu beegsanayay goobaha ay maamulaan Al-Shabaab.

Sida ay xaqiijinayaan warbixinadda horudhaca ah ee soo baxaya, goobihii ay ku sugnaayeen ciidamadan ayaa lagu wareejiyay cutubyo boolis ah kuwaasoo la qorsheynayo in ay adkeeyaan amniga.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Galmudug ay u isku-diyaarineyso qabashada doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee ku metelaya baarlamaanka 11aad federaalka 4-ta sano ee soo aadan.

Nabad-gelyadda ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala guud ahaan doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya iyadoo laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato xulista ergadda iyo odayaasha dhaqanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM