​Ciidamo Ethiopia kasocda oo la geeyay Halgan

Image

Wararka ka imaanay deegaanka Halgan oo dhawaan dagaal kharaar ku dhexmaray mallayshiyaad katirsan Al Shabaab iyo ciidamo qayb ka ah AMISOM oo kasocda dalka Ethiopia, ayaa waxaa maanta gaaray ciidamo gaashaaman oo ka baxay dhinaca degmada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamadan, ayaa la sheegay inay xoojinayaa kuwii la dagaallamay ururka Shabaab, waxayna fariisin ka samaysteen saldhiggii la isku fara saaray, iyagoo sidoo kale dagay meelo kale oo deegaankaasi kamid ah.

Xaaladda deegaanka Halgan ayaa aad u dagan, balse ciidamadan hadda soo gaaray ayaa abuuray jawi cabsi, waxaana la sheegay in shacabkii halkaasi ku dhaqnaa barakac billaabeen iyagoo ka baqanaya in mar kale dagaal ka dhaco aagaasi.

09 bishan, ayay ahayd markii iska hor imaad dhexmaray Al Shabaab iyo ciidankaasi lagu dilay in kabadan 100 ruux sida AMISOM sheegtay, balse tiro taasi kabadan waxaa shaaciyay dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM