Ciidamo Ethiopian ah oo gudaha usoo galay Kenya

Image

May 20, 2015 (GO)- Qaar kamid ah warbaahinta dalka Kenya ayaa baahiyey maanta oo Arbaco ah in ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia masaafo 20km ah gudaha usoo galeen Kenya, arrintaas oo dadka siyaasadda Bariga Afrika ka faalloodaa sheegeen inay dhaawici karto xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in ugu yaraan konton askari oo Ethiopian ahi soo galeen gobolka Waqooyiga Horr islamarkaana muddo kooban la wareegeen saldhig boolis oo ku yaalla xadka.

Dadka deegaanka ayaa soo wareiyey in ciidamadaasi deegaanka indho indheyn ku sameeyeen sawirrana ka qaadeen iyagoo intaas kadibna dib ugu laabtey halkii ay ka yimaadeen.

Af-hayeenka militeriga Kenya ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in arrintan dowladda Kenya horey loogu soo wargelin balse wax dhibaato ah laga fileyn Ethiopia oo ah dal ay Kenya saaxiibo dhow yihiin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sarkaal kale oo codsadey inaan magaciisa la baahin ayaa sheegay inay tahay markii saddexaad ee sanadkan 2015 ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia gudaha usoo galaan Kenya.

Kumannaan kamid ah militeriga Ethiopia ayaa xilligan ku sugan dalka Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM