Ciidamo Gaar ah oo ilaalo u ah Madaxweyne Deni oo loo diray Muqdisho

Image

MUQDISHO — Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan ilaalinta Madaxtooyadda Puntland ayaa maanta soo gaaraya Muqdisho, kahor imaanshaha Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka qaybgalaya wada-hadallo siyaasadeed oo muhiim ah oo lala yeelanayo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo Gollaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Kulankan, oo markii hore loogu qorsheeyay Axadda maanta, ayaa dib loo dhigay sababo farsamo awgood, waxaana ajandaha ugu weyn uu ka koobanyahay isbedelada dastuurka iyo qaabka doorashooyinka 2026.

Madaxda Gollaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland, ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay ka qaybqaadashada kulankan xilli khilaafaad siyaasadeed weli ka taagan yihiin qaabka doorashada iyo qeybinta awoodda.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa Muqdisho u watay ciidamo gaar ah si loo sugo ammaankooda, iyadoo ay jirto kala shaki maadaama xiriirka u dhexeeya dowladaha federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah Gollaha Mustaqbalka aanu wanaagsanayn.

UPDATE: Waxaa wararka lagu kalsoon yahay ee GO helay ay sheegayaan in Dowladda Federaalka dib u soo celisay ciidamadii ilaalada ahaa ee Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo ka qayb geli lahaa kulan maalmaha soo socda dhexmari doona madaxda Dowladda Federaalka, Puntland, Jubaland iyo mucaaradka.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in ay socdaan wadahadallo degdeg ah oo u dhexeeya guddiyada farsamada ee ku sugan Muqdisho.

Garowe Online

Related Articles

Muuqaallada Hollywood ma dhisi karaan mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed?

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku soo koray dal aysan ka jirin nidaam…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 01:38PM

Soomaaliya : Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo xoojinaya iskaashiga hubka

Laba ilo-wareed oo Maraykan ah ayaa WSJ u xaqiijiyey in Maraykanku fuliyey weerarka.…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 11:35AM