Ciidamo huwan ah oo hakiyay howgal kusii jeeday Xarar-dheere

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka laga helayo deegaano katirsan gobolka Mudug ayaa sheegaya in la hakiyay howgal ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo ay qorshaynayeen inay ciidamo huwan ah oo isugu jira Somalia iyo Ajaanib kusii jeeday degmada Xarar-dheere.

Inkastoo aysan jirin saraakiil katirsan ciidamadaas oo warbaahinta uga waramay qorshaha howgalkaas lo hakiyay, hadan dadka deegaanka ayaa War-sidaha GO u sheegay inay dib ugu laabteen deegmooyinka Hobyo iyo Galkacyo.

Ciidankan oo todobaadkan gaaray deegaanka Camaara iyo kuwo kale oo katirsan gobolka Mudug ayaa dib u laabtay xilli dagaal kooban ay la galeen kooxda Al Shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Camaara ee dhinaca Galmudug Yuusuf Salaad Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyay inay dib uga laabteen ciidamadaas deegaanadii ay qorshaynayeen inay tagaan.

Wuxuu qiray inaysan jirin xiriir dhexmaray ciidamada iyo maamulka deegaanka.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka Somalia.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in howlgalkan caqabad ku noqday miinooyin lagu xiray waddooyinka soo gala degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

Kooxda Al Shabaab ayaa ku xooggan qaybo kamid ah gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca ay maamusho Galmudug, kuwaas oo go'doon galiyay degmooyinka qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM