Ciidamo huwan ah oo hakiyay howgal kusii jeeday Xarar-dheere

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka laga helayo deegaano katirsan gobolka Mudug ayaa sheegaya in la hakiyay howgal ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo ay qorshaynayeen inay ciidamo huwan ah oo isugu jira Somalia iyo Ajaanib kusii jeeday degmada Xarar-dheere.

Inkastoo aysan jirin saraakiil katirsan ciidamadaas oo warbaahinta uga waramay qorshaha howgalkaas lo hakiyay, hadan dadka deegaanka ayaa War-sidaha GO u sheegay inay dib ugu laabteen deegmooyinka Hobyo iyo Galkacyo.

Ciidankan oo todobaadkan gaaray deegaanka Camaara iyo kuwo kale oo katirsan gobolka Mudug ayaa dib u laabtay xilli dagaal kooban ay la galeen kooxda Al Shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Camaara ee dhinaca Galmudug Yuusuf Salaad Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyay inay dib uga laabteen ciidamadaas deegaanadii ay qorshaynayeen inay tagaan.

Wuxuu qiray inaysan jirin xiriir dhexmaray ciidamada iyo maamulka deegaanka.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka Somalia.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in howlgalkan caqabad ku noqday miinooyin lagu xiray waddooyinka soo gala degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

Kooxda Al Shabaab ayaa ku xooggan qaybo kamid ah gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca ay maamusho Galmudug, kuwaas oo go'doon galiyay degmooyinka qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM