Ciidamo isku-rasaaseeyay isgoyska Banaadir ee Muqdisho

Image
Warar horudhac ah waxay xusayaan in isku-dhaca uu salka ku hayo is-qabqabsi dhul.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cutubyo ka tirsan ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa aroornimada Khamiista maanta isku-rasaaseeyay isgoyska Banaadir ee bartamaha Muqdisho.

Warar horudhac ah oo qaar kamid ah laga helayo dadka degaanka iyo illo ka tirsan saraakiisha ammaanka waxay xusayaan in isku-dhaca uu salka ku hayo is-qabqabsi dhul.

Illaa haatan, ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka. Cabsida laga qabo waxyeelo soo gaarta shacabka ayaa aad u sareysa maadaama aagaas ay ku yaalaan guryo rayid.

Goobjooge u waramay Idaacada maxaliga ah ee KULMIYE wuxuu sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamo uu horkacayo Farxaan Qoroole, taliyaha booliska gaarka ah ee gobolka Banaadir.

"Farxaan Qaroole wuxuu doonayaa in uu xoog ku qabsado gurigaas ay leeyihiin dadka shacabka ah. Dagaal hub culus ayaa la isku-adeegsadey," ayuu yiri goobjoogaha aan la shaacin magaciisa.

Taliska booliska Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin shaqaaqadan. Xiriiro uu warsidaha Garowe Online la sameeyay dhinacyadda kama aysan ka jawaabin dalabka.

Tacshiiradan ayaa kusoo beegmaysa xilli Muqdisho ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo u diyaar-garowga doorashooyinka kuraasta Somaliland iyo kuwa Banaadiriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku saabsan amniga Badda Cas ugu sii jeeda Sacuudiga

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 07:34AM