Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Galmudug oo la dilay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Inta la xaqiijiyay 10 askari oo ka tirsan madaxtooyada Galmudug ayaa lagu dilay dagaal goordambe oo xalay ah duleedka Dhuusamareeb ku dhexmaray maleeshiyaad ka tirsan Ururka Ahlusunna iyo Ciidanka Galmudug oo garab ka helaya kuwa dowladda federaalka ah oo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Balli-Bire oo dhanka Waqooyi kaga beegan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Koox ka tirsan Ahlu-suna ayaa dhexda u galay laba gaari oo uu watay taliyaha ilaalada madaxtooyada Dhuusa-mareeb, iyadoo mar kaliya rasaas lagu bilaabay, waxaana goobta ka qarxay dagaal socday mudo ka badan saacad, iyadoo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sida ay Garowe Online u sheegeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Galmudug, waxaa goobta ku dhimatay 5 askari,  ka dib markii ay gaari ay saarnaayeen dhuftay Saban.

Weerarka waxaa sidoo kale lagu lagu dhaawacay 6 askari oo saarnaa gaariga gubtay ee ay wateen ciidanka madaxtooyada Galmudug.

Dadka dhaawaca ah waxaa ku jira sarkaal lagu magacaabo Muumin Ciise oo ahaa taliyaha ilaalada ciidanka Saadaq Joon, wararku waxay kaloo tilmaamayaan in raggan loo sheegay in koox Ahlu-suna ah ay isa soo dhiibeyso, kiwaasoo ka soo baxsaday dhanka deegaanka Bohol, taasoo ay u bexeen, walow markii danbe ay noqotay shirqool loo maleegay.

Askarta dhaawaca ah oo badankood xaaladooda ay culus tahay ayaa la filayaa in saaka loo soo qaado magaalada Muqdisho, si halkaasi loogu sameeyo howlo caafimaad, mana jirto wax war ah oo Galmudug ka soo saartau dhacdadan.

Maamulka Galmudug kama uusan hadlin weerarkaan lala beegsaday ciidanka madaxtooyada. Ahlusunna oo mar ka talin jirtay inta badan deegaanada Galmudug ayaa horaantii sanadkii 2020 laga saaray deegaanada maamulka Galmudug ka dib dagaal dhexmaray maleeshiyaad taabacsan iyo ciidanka dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Kooxda ayaa soo ku soo rogaal celisay deegaanada maamulka Galmudug oo dib isku soo abaabushay bartamihii 2021, waxaana dib u qabsadeen degmada Guriceel inkastoo dagaal socday ku dhawaad asbuuc lagu qasbay in laga saaro magaaladda waxa ayn saldhig ka dhigteen deegaanka Bohol oo qiyaastii 30 KM waqooyi ka xiga Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM