Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda oo Afgooye ku dagaalmey

Image

March 25, 2015 (GO)- Ugu yaraan saddex qof oo rayid ahaa ayaa ku dhintey labo kalena way ku dhaawacmen dagaal maanta ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhex maray degmada Af-gooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay bar-kantarool oo ku taalla halka lagu magacaabo Baar Ismaaciil, labada ciidan ee dagaalameyna waxay ka kala tirsan yihiin  booliska iyo militeriga.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta keentay iska hor imaadkaas, saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmaduna ilaa iyo hadda wax war ah kama soo saarin.

Ma ahan markii ugu horreysey ee degmada Af-gooye dagaal ku dhex maro ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan iska hor imaadka ka dhacay Afgooye wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM