​Ciidamo katirsan AMISOM oo Cadaado gaaray

Image

CADAADO, Somalia- Dufcaddii ugu horraysay ciidamo katirsan kuwa Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Somalia, ayaa maanta gaaray degmada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug.

Ciidamada AMISOM katirsan ee gaaray Cadaado, ayaa ka soo kala jeeda dalalka Jabuuti iyo Burundi.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda Somalia, ayaa xaqiijiyay in ciidamadan gaareen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Ujeedka loo geeyay halkaas ciidamo katirsan AMISOM, ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen suggidda amniga doorashooyinka Somalia ka dhacaya bilaha soo socda.

Waxay sugi doonaan ammaanka goobaha doorashada sida ay noo sheegeen saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida ee Somalia.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa soo dhaweeyay ciidamadan, oo haatan fariisinno  ka samaystay qeybo ka mid ah magaalada, si ay xaqiijiyaan amniga guud magaalada Cadaado.

Dhawaan ayay ahayd markii Cadaado, ay tageen mas'uuliyiin katirsan xukuumadda waqtigeedu dhammaaday iyo guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Somalia, kuwaasoo maamulka Galmudug kala hadlay arrimo ku aadan doorashada.

Imaanshaha ciidamadan ee degmada Cadaado, ayaa kusoo beegmaya xilli dagaal u dhaxeeyo ciidamo katirsan maamullada Puntland iyo Galmudug ay isku hor fadhiyaan Galbeedka magaalada Galkacyo.

Puntland, ayaa horay ugu eedaysay dowladda Federaalka Somalia, inay qayb ka tahay dagaalka kasocda xarunta gobolka Mudug iyadoo soo bandhigtay ciidamo katirsan NISA oo loo soo diray inay ka dagaallamaan gobolka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo dilay xubno Daacish katirsan

Ilo madax bannaan ayaa xaqiijiyay in Puntland ay ku weyday hal askari howlgalkaasi ka dhacay Calmiskaad.

  • Soomaliya

    29-09-2025

  • 01:46PM

Xasan Sheekh: Wadahadal baa ka galayaa Khilaafka Dastuurka iyo Doorashadda

Furitaanka kalfadhigan ayaa imaanaya iyadoo ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hanaanka doorasho.

  • Soomaliya

    29-09-2025

  • 10:41AM