Ciidamo lagu weeraray degmada Marka gobolka Shabeelaha hoose

Image

29 Augusto,2015(GO)-Wararka ka imaanaya magaalada Marka Gobolka Shabeelada Hoose. ayaa sheegaya in goor dhawayd qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Milatariga Somalia.

Qaraxan ayaa wararku sheegayaan inuu ahaa bamka gacanta lagu tuuro siday xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugnaa hadlka uu weerarku ka dhacay, lamana garan karo khasaaraha ka dhashay.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli maanta magalada Marka gaareen wafdi u hogaaminayo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia kuwaasi oo degmada u tagay qiimeyn ay ku sameynayaa tacadiyo ay geysteen ciidamada AMISOM ee ku sugan degmadasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM