​Ciidamo qof dil gaystay ku toogtay Muqdishu

Image

MUQDISHU- Ciidamada nabad sugidda Somalia ee degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, ayaa xalay toogtay ruux dhalinyaro ahaa oo dil ka gaystay degmadaasi, kaas oo ku hubaysnaa Bastoolad iyo Bumbo gacmeed.

Wararka falkaasi ku saabsan ayaa sheegay in ninka la toogtay oo qof shacab ah ku dilay goob ciidamada nabad sugidda ka ag-dhaweyd, waxaana ciidamadu isku dayeen inay qabtaan balse wuxuu sameeyay iska caabin isagoo ku tuuray bambaanadii uu watay.

Maamulka gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay in ruuxaasi la dilay kadib markii uu u hogaansami waayay amarka ciidanka.

Afhayeenka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay " Xalay ciidamada Amnigu waxay daba-joogeen nin hubeysan oo qof shacab ah ku dilay degmada Huriwaa, markii ciidamada damceen inay soo qabtaan, ayuu iska caabin kala hor-tagay, kadibna ciidanka ayaa toogtay".

Maamulku ma caddayn qof ka la toogtay inuu katirsanaa Al Shabaab iyo in kale, hase ahaatee ururkaas ayaa ku caan ah dilal dadka rayidka iyo mas'uuliyiinta isugu jira.

Tallaabadan ayaa timi xilli muddooyinkii dambe la fashilinayay weeraro kooxda Shabaab qorshaynayeen inay ka gaystaan magalada Muqdishu, waxaana aad loo howlgaliyay ciidamada amniga inkastoo hadan kooxdaasi fuliyaan dilal loo gaysto dad shacab ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM