Ciidamo saacado xoog ku haystay halka uu kasocdo shirka maamulka Hir-Shabeelle

Image

JOWHAR, Somalia- Ciidamo aad u hubaysan oo muddo gacanta ku hayay halka uu kasocdo shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ee magaalada Jowhar.

Wararka laga helayo dad ka agdhow halka shirku ka socdo in ciidamadu ka baxeen goobta iyadoo aan ilaa hadda la aqoonta goobta ay u jihaysteen.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qasbashada ciidamada ee madasha shirka, waxaana xogo uu helay GO tibaxaayaan inay ka dambeeyaan siyaasiyiin u taagan hogaanka sare ee maamulka Hir-Shabeelle.

Ciidamadan ayaa la xusayaa inay daacad u yihiin Musharaxa madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hir-Shabeelle Cali Xassan Taakoow, kaasoo maanta goor sii horraysay warbaahinta u sheegay in la musuq-maasuqay Hanaanka maamul u samaynta, isagoo ku hanjabay inuu joojin doono.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay hogaamiyaasha shirka iyo maamulka degmada Jowhar, balse waxay Arrintan timid xilli horay dowladda Somalia ciidamo badan u keentay magaalada Jowhar kuwaasoo la sheegay inay ka qayb qaadan doonaan sugitaanka Amniga shirka, waxaase is-weydiin badan keentay habka ciidamada ula wareegeen goobta oo amnigeeda la sugayay.

Shirkan ayaa tan iyo markii uu bilowday, waxaa soo if-baxayay khilaafaadyo kala duwan, iyadoo ay jirto xusul duub dowladdu ugu jirto inay dhaqso hirgaliso maamulkan oo dadka deegaanku isku khilaafsanyihiin inkastoo badi madasha tageen waxgaradkii reer Hiiraan ee shirka diidanaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM