​Ciidamo Somali iyo Maraykan isugu jira oo weeraray Saldhig ku yaala Shabeellaha hoose

Image

MUQDISHU, Somalia- Howlgal  qorshaysan ayaa xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose, waxaana fuliyay ciidamo wadajir ah oo isugu jira Somalia iyo Ajaanib kasoo jeeday dalka Maraykanka.

Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo garab ka helaya kuwo Mareykan ah ay weerar ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunyo-Baroow ee Gobolkaas.

Weerarkaan oo ahaa mid qorsheesnaa sida uu sheegay Maamulka degmada Baraawe ayaa waxaa lagu qaaday fariisin weyn oo kooxdaas ku leeyihiin Kuunya-Baroowe.

Majirto ilaa hadda cid faah faahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay howlgalkaas.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa wali ka hadlin howlgalkaas, waxaana dadka deegaanku ku waramayaan inay wadaan howlgallo kasocda goobaha ay ka maamulaan Shabeellaha hoose.

Al Shabaab ayaa fariisin ku leeyihiin deegaanka kuunya-Baroow,waxana la sheegaa in mararka qaar ay weeraro ka soo qaadaan iyagoo beegsanaya saldhigyada Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolkaas.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandoosta Soomaaliya ee(DANAB) ayaa dhowr mar weeraro ka geestay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose iyago oo sheegay in weeraradaas ay ku dileen Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa muujiyay cabsi ku aadan inuu saameeyo howlgalkooda.

Kooxdan ayaa inta badan xasbiga dhigta dadka ay uga shakiyaan inuu u basaasaan dowladda, waxayna ku fuliyaan xukuno dil siyaabo kala duwan loo fuliyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM