Ciidamo xiray waddooyin kamid ah Baladweyne

Image

BELEDWEYNE, Somalia- Ciidamo katirsan Booliska mamaulka gobolka Hiiraan ayaa xiray maanta isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaalada Beledweyne.

Wararka naga soo gaaraya magaalada ayaa sheegay in ciidamada gadoodsan ay gaadiidka dagaalka ku jareen wadooyinka halbowlaha ah, sidoo kalena ay xireen Buundada kala qeybiso Kooshin iyo Xaawo Taako.

Saraakiisha hor-boodaya ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in ay ka Cabanayaan mushaar la'aan mudo ka badan 6 bilood ah, iyo daryeell la'aan dhanka nolosha ah.

Xaaladda Beledweyne ayaa maanta aad u cakiran, waxaana wali jirin dadaallo ay samayeen maamulka gobolka Hiiraan taasoo wax looga qabanayo xaaladdan.

Gadoodka ciidamada ay ka sameeyeen Beledweyne ayaa imaanaya todobaadyo kadib markii dhawaan Midowga Yurub uu lacago gunnooyin ah siiyeen in ka badan 6,500 oo askari oo Booliska Somalia katirsan.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ayaa dhawaan sidoo kale balanqaaday inuu bixin-doono xuquuqda ciidamada, iyo mushaarkooda, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM