Ciidan jooga badda Soomaaliya oo mudada loo kodhiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya ayaa loogu daray laba sano oo dheeraad ah ayadda oo waqtiga uu ka dhacayo 31-da December, 2022-ka.

Muddo kordhinta waxaa wehlisa awoodo dheeraad ah oo la siiyey taasoo dhaqan-galeysa laga bilaabo 1-da Janaayo, 2021, waxaana lagu xoojinayaa howlgalada ciidanka, baacsiga shuftadda iyo ilaalada maraakiibta.

Arrimaha kale ee mas'uulka ka yihiin waa kalluumeysiga sharci-darada ah, dhaafinta dhuxusha iyo hubka sharci darada ah si lamid ah maandooriyaha ayaa dhaqan-galaya laga bilaabo 1-da Janaayo ee sanadkan cusub 2021-ka.

Sidda ay warisay saxaafadda, waxaa jiri doonta goob si gaar ah loogu cayimayo kana mid ah Gacanka Cadan halkaasoo ay ka ugaarsan doonan arimahaas balse waa xilliga mas'uuliyiita EU-da ay go'aamiyaan.

"Isbedeladan waxay xoojinayaa ka war-qabka howlgalka ee xaaladaha badda iyo ka hortagga dhamaan nooc kasta oo dambiyadda biyaha ka dhaca," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska howlgalka EU-da.

Ciidamadda Midowga Yurub ayaa biyaha Soomaaliya ka howlgalaya tan iyo 2011-kii waxaana ay baajiyeen isku dayo lagu qafaalan lahaa maraakiib wallow ay jiraan dambiyo kale oo dhacay ayaga oo ilaalo ka haya badda.

Dambiyada ugu caansan waxaa kamid ah kalluumeysiga sharci daradda ah iyo dhaafinta hubka sharci daradda ah – kuwaasoo ay ku lug-leeyihiin dalal la aqoonsan karo – balse aysan jirin cid xil iska saartey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM

Weeraro ka dhici lahaa Muqdisho oo laga hortagay

NISA waxay sheegtay in dadka la xiray loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo sharciga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:19AM