Ciidanka dowladda oo sarkaal ku dilay magalada Beledweyne

Image

15 November, 2015(GO)-Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa magalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ku toogtay sarkaal ka tirsanaa shaqaalaha Qarmada Midoobay oo la shaqaynayay hay’ad lagu magacaabo United Nation Mine Action Service(UNMAS).

Sarkaalkan ayaa madax ka ahaa hay’addan qaybteeda Baladweyne, waxaana lagu magacaabi jiray Mahdi Xuseen Shiikhaal.

Lama garanayo sababta ciidanka dowladda Federaalka Somalia shakhsigaasi u toogteen, mana jirto cid ka tirsan dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadashay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM