​Ciidanka dowladda Somalia oo la wareegay deegaanka Abaal

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee dalka Somalia, ayaa sheegay in ciidanka dowladda Federaalka Somalia oo ku biiray dagaalka u dhaxeeya Sheekh Roobow Abuu Mansoor la wareegeen deegaanka Abaal oo horay fariisin u ahaa Roobow balse gacanta u galay xarakada Shabaab.

Ciidanka dowladda ayaa dagaal kula wareegay deegaankaas iyadoo hadda ay nawaaxigeeda ay ku suganyihiin xoogaga iska soo horjeeda ee kala taabacsan Al Shabaab iyo Roobow.

In ciidanka dowladdu la wareegeen goobtaas waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiin katirsan kuwa dowladda Federaalka Somalia.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Abaal.

Majirto wax war rasmi ah oo ilaa hadda kasoo baxay saraakiisha ciidanka dowladda Federaalka Somalia, kaasoo khuseeya la wareegista deegaankaas.

Dowladda ayaa wada-hadal kula jirta Roobow kasoo laga saaray liiska Argagixisada Caalamka iyo waliba lacag madaxiisa la dul dhigay.

Arrintaas ayaa keentay in kooxda Al Shabaab weerar kusoo qaado isagoo kasoo goostay sannadkii 2013 wixii waqtigaas ka dambeeyayna ku sugnaa gobolka Bakool isagoo ay weheliyaan mallayshiyaad taabacsan.

Lama oga sida xaalku noqon doono balse deegaanka Abaal ayaa kacsan, waxaana laga dareemaya xiisad dagaal.

Dhawaan, waxaa mas’uulkaas la kulmay xubno katirsan maamulka Koonfur Galbeed kuwaasoo wada-hadal kula galay nawaaxiga deegaanka Abaal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM