Ciidanka Itoobiya ee AMISOM oo kala qeybsamay

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Colaadda ka oogan gobolka waqoyga dhaca ee Tigray ayaa lagu waramay in ay furimo isir u kala qeybisay ciidamadda Itoobiya ka jooga Soomaaliya, talaabo wiiqeysa dedaalada xasilinta dalka.

Itoobiya ayaa howlgalka AMISOM ku leh shan kun askari. Si lamid ah, waxaa la qiyaasaa in ay ka joogaan Jubaland iyo Koonfur Galbeed ku dhowaad 1,000 askari kale oo aan kamid ahayn howlgalka ururka Midowga Afrika.

Balse tan iyo markii Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu amray in qeyb kamid ah cutubyadda loo daabulo ismaamulka ay ishayaan ee Tigray, waxaa muuqaneysa in gacan-ka-hadalka uu si toos ah uga qarxay gudaha Soomaaliya.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in 1,000 askari Itoobiyaan ah laga dhimay AMISOM lana geeyay Tigray. Balse taliska AMISOM iyo kan Itoobiya kama hadlin, wallow maqnaanshiyahooda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin.

Intaas waxaa wehlisa, sheegashooyin la xiriira in ciidanka Tigray ee kamid ah Itoobiyaanka AMISOM lagu sameeyay hub ka dhigis, talaabo aan u adeegeyn howlgalka nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobay taageerto.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in saraakiisha Tigray lagu amray in ay ku laabtaan xeryaha "maadaama ay halis ku yihiin ciidanka kale".

Xaaladda ayaa kasii dari karta asbuucyada soo aadan markii GO uu xaqiijiyey in ciidamadda Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay dhexdooda ku dagaalameen degaanka Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.

Sidda ay sheegayaan illo wareedyo, isku-dhaca wuxuu yimid markii cutubyo kamid ah ciidanka Itoobiya ay isku dayeen in ay hubka ka dhigaan saaxiibadood Tigray kuwaasoo ay ku qeexeen "kuwa aan lagu kalsoonaan karin".

Dadka degaanka ayaa soo wariyey in ay maqnaan daryenka rasaas. Inkasta oo taliska AMISOM iyo kan ciidanka Itoobiya uusan wali ka hadlin, haddana dhacdadan waxay dhabar-jab ku tahay shaqada howlgalka.

Tan iyo markii colaadu qaraxdey bishii hore, Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka taageerada u muujiyey maamulka Abiy kaasoo tibaaxay in howlgalka lasoo afjaray isla markaana ay qabsadeen caasimada Tigray ee Mekelle.

Ismaamulka iyo dowladd dhexe ee Itoobiya ayaa isku qabtay doorashooyinka baarlamaanka oo guddiga maamula u baajiyey sababo ku aadan Coronavirus. Balse gobolkan wuxuu ku eedeeyay guddiga "cadaalad darro".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM

Wadamada Islaamka oo ka dhiidhiyey xadgudubyada ka dhanka ah Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay shirka lagu cambaareeyay Itoobiya.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:16AM