Al-Shabaab iyo Ciidanka Jubaland oo ku dagaalamay Kulbiyow

Image

HARGEYSA, Somaliland - Dagaal qaraar oo u dhaxeeya Ciimada maamulka Jubaland iyo Kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay kadib markii Rag hubeysan oo Al-Shabaab ka tirsan ku duulaan gaadmo ahaa kusoo qaadeen Saldhig ay ciidamada Jubaland ku leeyihiin duleedka Deegaanka Kulbiyow.

Dadka deegaanka qaar oo la hadlay Warisdaha Garowe Online ayaa sheegay in dagaalka oo ku bilowday Gar-neelada garbaha laga ganno, waxaana kadib labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sagaalka oo socday ku dhawaad hal saac ayaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba, kuwaasoo soo kala gaaray labadda dhinac, inkastoo dhanka ciidamada Jubaland sheeganayaan inay dileen xubno Shabaab ah.

Xuseen Xasan Maxamed (Xuseen Dheere) oo ah Sarkaal ka tirsan ciidanka Jubaland oo u waramay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in dagaalka ay Shabaab uga dileen Lix dagaalame, islamarkaana ay nolasha ku qabteen mid kale.

Wuxuu sheegay in dhankooda ay uga dhimatay dagaalka Labo askari, islmaarkaana dhaawacyo ay jiraan, isagoo intaasi ku daray in midka ay gacanta ku dhigeen ay "ciqaabi doonan".

Xasan Dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in sidoo kale ay Shabaab uga furteen dagaalkaan Sanaad ciidan oo hub iyo rasaas ay kamid yihiin.

"Ragii iyaga ayaa baan xalay nasoo weeraray. Waxaana dagaalka udhacay sidii horey ugu dhici jiray waana iska dhicay, ciidamada Jubbaland ayaa Lix kamid ah ka dilay, midna nolasha ayaan ku haynaa," ayuu yiri sarkaalka.

Mar la su'aalay sida ay yeelanaa shaqsiga ay nolasha ku qabteen ayaa wuxuu ku jawaabay: "Dee waad ogtihiin in iyaga ay nafta u keeneen shacabka, marka waan ciqaabeynaa.

Marka laga soo tago sheegashada Sarkaalkan, ma jirto wax war ah oo ay Shabaab dagaalka kasoo saartey. Kooxdan ayaa gacanta ku haysa inta badan deegaanada Jubaland.

Dagaalka Kulbiyow ee ciidamada Jubaland ayaa kusoo beegmayaa iyadoo maalin ka hor ay xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada Badda Puntland ee Bali-khader, kaasi oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM