Ciidanka Mareykanka oo dalka ka baxaya "ciqaab la'aan"

Image

WASHINGTON, US – Ciidamadda Mareykanka ayaa ka baxaya Soomaaliya ayaga oo aan loo ciqaabin waxyeeladda rayidka kasoo gaarey howlgaladooda dhanka cirka, sidda lagu daabacay mareegga Focusonafrica.info.

Kadib todobaadyo hadalheyn, Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa 4-tii December waxay shaacisay in askarta loo wareejin doono Jabuuti iyo iyo Kenya marka la gaaro bilowga sanadka nagu soo fool eh ee 2021-ka.

Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] oo war-saxaafadeed ku xaqiijiyey bixitaanka ayaa daaha ka rogay in "inta badan askarta iyo howlgaladooda" ay bilowday 2021 ka dhici doonan meel ka baxsan Soomaaliya.

Bixitaanka ayaan ka dhigneyn in ciidanka dhulka Mareykanka ay joojin doonan dhaqdhaqaaqooda Soomaaliya taasoo la macno ah in duqeymaha ay kaasoo qaadi doonan meel ka baxsan dhulka dalkan dhaca Geeska Afrika.

"Si guud, qadiyadda baaqiga ah waxay tahay xasaanada lagu waxyeelayay dhibaneyaasha shacabka ee [ku dhintay ama ku dhaawacmay] weeraradaas," ayaa lagu yiri warbixinta lagu qoray bogga Focusonafrica.

Tan iyo markii Trump uu xilka qabtay, AFRICOM ayaa kordhisay duqeymaha iyaddoo fulisay 196 howlgal. Sidda laga soo xigtay Airwars, 38 weerar waxay dhaceen 2017; 48 oo 2018, 61 oo 2019 ah iyo 49 oo 2020 ah.

Kadib baaritaanka hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa April, 2019, taliska AFRICOM wuxuu qirtey in afar duqeyn kala duwan uu ku dilay shan Soomaali ah kuna dhaawacay 8 kale.

Sikastaba, inta la og-yahay ma jiro xubin kamid ah qoyska iyo dhibaneyaasha [dhaawacyadda] oo magdhow ka helay labadda dowladood.

"Sanad kadib, taliska AFRICOM wuxuu daabacay warbixintii ugu horeysay khuseysa waxyeeladda dadka shacabka ah, talaabadaas oo daahfurnaan soo daahdey u ah howlgalka milatari ee in ka badan 10-sano kawadaan Soomaaliya," ayaa la raaciyey qormadda warsidahaas.

Hay'adda Amnesty ayaa dhowaan waxay ku boorisay in Mareykanka ay waajib ku tahay in uu magdhow siiyo qoysaska dadka ku dhintay duqeymihiisa Soomaaliya iyo dadka ku dhaawamay "hadii uu baxayo ama uu sii joogayo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM