Ciidanka oo guulo ka sheegtey guluf ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Saraakiisha ma shaacin inta uu la egyahay khasaaraha iyo hadii ay jiraan waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah.

MUQDISHO, Soomalaiya – Taliyaha milatariga Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadalay warbaahinta ciidamada ayaa sheegay in ay gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ay ku dileen ku dhawaad 10 dagaalyahan oo ka tirsan maleeshiyaadka Al Shabaab.

Howlgalka oo ay fulisay guutada 5aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa ka dhacay deegaanka Qabdho oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka.

Saraakiisha ayaa sheegay in sidoo kale howlgalka laga bur-buriyay bartii ay shacabka kaga qaadayeen “lacagaha baada ah”.

Maamulka gobolka Hiraan ayaa dhankooda sheegay in ciidanka Milatarigu ku guuleystay “in ay gacanta Shabaab ka fara maroojiyaan deegaanka, iyadoo uu jiro khasaare lixaad leh oo kala gaaray dhinacyada dirirta ay u dhexeysay”.

Saraakiisha ma shaacin inta uu la egyahay khasaaraha iyo hadii ay jiraan waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah.

Majiro wax war ah oo kooxda Shabaab ay ka soo saartay weerarkan iyo jiritaanka khasaraha xooggan ee ay sheegeen saraakiisha ciidamadda dowladda, waxaana wali dhaq dhaqaaqyo ka wada aagii lagu diriray ciidamadda xoogga dalka.

Duulaankan ayaa ku soo beegmay maalmo yar kadib markii Gudoomiyaha gobolla Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu ka dalbaday madaxweynaha cusub Xasan Sheekh iyo Wasaarada Gaashaandhigga iney ku dhaqaaqaan weeraro ka dhan ah Shabaabka ku sugan Hiiraan, lama oga in weerarkan uu jawaab u yahay dalabka gudoomiyaha Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM