Ciidamadda oo guul ka sheegtay dagaal ay la galeen Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda Soomaaliya ayaa guulo culus ka sheegtay dagaal xoogan oo ay degaanka Bululow ee ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose kula galeen maleyshiyada Al-Shabaab.

Iska hor-imaadka ayaa yimid markii aagaas ay howlgal ka sameeyeen Ciidamadda Sidda Gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab.

Saraakiil u warantay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa shaaca ka dhigay in ay dileen dagaalameyaal iyo saraakiil sar-sarre.

Sidda laga soo xigtay sheegashadooda, horjoogeyaasha Al-Shabaab looga khaarijiyey howlgalkaas waxaa kamid ah Cismaan Fiidow, oo ahaa madaxii howlgelinta ee xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

"Konton kamid ah argagixisada ayaan ku dilay dagaalka. Meydadkooda waxay ku qaateen gaari dhayno ah. Horjoogaha waxay ku aaseen degaanka Buula-yarey Shiiqaal oo Shabeellaha Dhexe ka tirsan," ayay wariyeen.

Marka laga soo tago sheegashadooda, ma jiraan illo wareedyo si madax-banaan u xaqiijinaya khasaaraha dhinacyada kasoo gaarey dagaalka.

Al-Shabaab ayaan wali wax war ah kasoo saarin dagaalka, wallow aan looga baran in ay hadlaan marka waxyeelada dhinacooda u badan tahay.

Isku-dhacaan ayaa yimid saacado kadib markii ku dhowaad 20 kamida ciidamada Soomaaliya lagu dilay weerar jidgal ah oo Al-Shabaab kula eegatay nawaaxiga tuulooyinka Doonka iyo Bulolow ee Shabeellaha Hoose.

Illo wareedyo ayaa u sheegay mareega Garowe Online in dagaalkaas uu dhacay xilli ciidamadda ay wadeen roondo. "Ciidanka si adag bay u dagalaameen, balse waxaa u awood sheegtay xubno badan oo Al-Shabaab ah".

Xilli waddanka isku diyaarinayo doorashooyin, Al-Shabaab ayaa waxay u muuqaneysaa mid dib boorka uga jaftey weerarada joogtada ah iyaddoo isku dayeysa in ay ka faa'iideysato mashquulka badan ee ka jira dhanka siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles