Cirro oo ka jawaabay shaki laga muujiyey xulista Golaha Shacabka

Image
Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ka falceliyey eedeymo saacadihii lasoo dhaafay soo ifbaxay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ka jawaabay qaar kamid ah eedeymaha saacadihii lasoo dhaafeeyay hareeyay geedi-socodka xulista mudaneyaasha Aqalka Hoose.

Maxamed Xasan Maxamed [Cirro], guddoomiyaha guddiga oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa muujiyey in aysan soo gaarin cabasho ah in musharaxiin loo diidey warqadaha is-diiwaan-gelinta.

Cirro oo hoosta ka xariiqay in guddiga uusan aqbali doonin in la gacan-bida-xeeyo musharaxiin gaar ah ayaa sheegay in madaxda Soomaalida aysan ku heshiinin in tartanka laga reebo shaqsiyaadka xilalka haya.

Mar wax laga waydiiyey dhaliilaha la xiriira in ay wajiyada qarsadaan musharaxiinta qaar ee lagu tilmaamay "malxiiska", Cirro ayaa tibaaxay in ay arrintaas ku timid "daruufo kala duwan" balse aysan jideynayn.

Laaluush bixinta ayuu caddeeyay in ay meel adag ka taagan yihiin. Odayaasha ayuu xusay in ay ka saxiixayaan warqado loogu sheegayo in la ciqaabi doono haddii lagu qabto fal la xiriira lacag qaadasho si musuq ah.

24-ka December ee sanadkan 2021 ayuu carabka ku adkeeyay in ay qorsheynayaan in ay soo gabagabeeyaan doorashada Aqalka Hoose. Hase ahaatee, wuxuu muujiyey in suurtagal tahay in waqti kale loo baahdo.

Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ay warbaahinta hareeyeen eedeymo ku saabsan in musharaxiin qaar loo xiray kuraasta, qaar kale la xanibay iyo in is-dabamarin baahsan jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM