Cirro: Waxaan rajeynayaa in Trump “maalin uun” aqoonsan doono Somaliland
Somaliland oo filaysa in ay dhowaan heshiis ganacsi la gasho Israel
Hargeysa – Somaliland ayaa sheegtay in ay dhowaan la gaari doonto heshiis ganacsi Israel, oo aqoonsatay madax-bannaanideeda, islamarkaana diyaar u tahay in ay bixiso xuquuqda kheyraadka dhulka qiimaha leh qeyb ka mid ah heshiiska, sida uu sheegay madaxweyne Cirro wareysi uu siiyay Reuters.
Israel ayaa dhammaadkii bishii December dal ahaan ugu aqoonsatay Somaliland, oo ah gobol ka tirsan waqooyiga Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israel ay raadin doonto iskaashi degdeg ah oo ku saabsan beeraha, caafimaadka, tiknoolajiyada iyo dhaqaalaha.
Madaxweyne Cirro, oo Reuters kula hadlay Dubai halkaas oo uu ka qeyb-galay Shirweynaha Dowladaha Adduunka, ayaa sheegay in heshiis ganacsi oo labada dhinac ah aan weli la gaarin, laakiin Somaliland ay rajeynayso in ay saxiixdo “heshiis iskaashi”.
“Xilligan, ganacsi ma jiro, ma jiro maalgashi ka imanaya Israel. Laakiin waxaan rajeynaynaa 100% maalgashigooda, ganacsigooda, waxaana rajeynaynaa in aan dhawaan la shaqeyno ganacsatada iyo dowladda Israel,” ayuu yiri.
Waxa uu intaa ku daray: “Somaliland waa dal hodan ku ah kheyraadka – macdanta, shidaalka, gaaska, kheyraadka badda, beeraha, tamarta iyo qaybaha kale…. Waxaan leenahay hilib, kalluun, macdan, iyagana (Israel) way u baahan yihiin. Sidaa darteed ganacsigu wuxuu ka bilaaban karaa qaybaha muhiimka ah.”
Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay in Somaliland ay ka faa’iideysan doonto tiknoolajiyada Israel.
Somaliland waxay sheegtay in kheyraadkeeda macdanta uu ka mid yahay lithium ballaaran, oo muhiim u ah baytariyada iyo gaadiidka korontada. Sanadkii 2024, Shirkadda Macdanta Sacuudiga ee Kilomass ayaa heshiis sahamin ah ka saxiixday Somaliland oo ku saabsan lithium iyo macdanno kale oo muhiim ah.
Madaxweyne Abdullahi wuxuu u mahadceliyay Israel in ay noqotay dalka ugu horeeya ee aqoonsada Somaliland. Inkasta oo Somaliland ay rajeyneyso iskaashi milatari mustaqbalka la yeelato Israel, haddana madaxweyne Abdullahi wuxuu sheegay in aan weli laga wada hadlin in saldhigyo milatari laga dhiso Somaliland.
Wuxuu intaa ku daray inuu aqbalay casuumaad uu ka helay Netanyahu, isagoo booqan doona Israel dhowaan, hase yeeshee taariikhda booqashada weli lama go’aamin. Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Saar ayaa bishii la soo dhaafay booqday Somaliland.
Madaxweyne Abdullahi wuxuu filayaa in dhammaan dalalka Qaramada Midoobay ay ugu dambeyn raacaan tusaalaha Israel, oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta iyo Maraykanka, isagoo sheegay in aqoonsigu caadi ahaan qaato waqti.
Waxa uu sidoo kale sheegay in uu leeyahay xiriir wanaagsan oo shaqo la leh Maraykanka, isagoo aaminsan in Madaxweynaha Donald Trump uu “maalin uun” aqoonsan doono Somaliland. Bishii la soo dhaafay, Abdullahi wuxuu soo bandhigay heshiisyo maalgashi xaflad casho ah oo Davos ka dhacday, halkaas oo ay ka qeyb-galeen wiilka Trump, Eric.
Go’aanka Israel ee aqoonsiga Somaliland ayaa waxaa diiday dowladda Soomaaliya, sidoo kalena waxaa cambaareeyay Shiinaha, Turkiga, Masar iyo Midowga Afrika.
Somaliland waxay sidoo kale iskaashi la leedahay UAE, iyadoo DP World ay tahay maalgashade weyn dekedda Berbera.
GAROWE ONLINE