Copenhagen: shirka looga hadlayo New Deal-ka oo maanta furmaya

Image

November 19, 2014 (GO)- Xarunta dalka Denmark ee Copenhagen waxaa maanta ka furmaya shir ku saabsan barnaamijka New Deal ee sanadkii hore caalamku dhaqaalaha badan Soomaaliya ugu ballan qaaday si looga caawiyo dhinacyada dib u dhiska iyo hurumarka.

Shirka oo muddo labo maalmood ah socon doona waxaa kasoo qayb gelaya wufuud caalami ah oo heerkoodu sarreeyo iyo mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud iyo todoba wasiir kamid yihiin.

Sidoo kale waxaa shirkaas ka qayb gelaya wufuud ka socota maamul goboleedyada dalka, ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya iyo hay'ado caalami ah. Dhanka Puntland waxaa uga qayb gelaya wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Cali Axmed Faatax.

Si rasmi ah wuxuu shirku u furmi doonaa 10:00 barqonimo ee waqtiga Yurub iyadoo khudbadda furitaankana jeedin doonto Ra'iisul Wasaaraha Denmark Helle Thorning-Schmidt.

Maalinta koowaad ee shirka waxaa dhici doona kulan heer wasiir ah oo lagu gorfeynayo waxyaabaha ka qabsoomay barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal) oo hadda hal sano laga joogo markii la bilaabay, iyadoo diiradda la saari doono qodobo ay kamid yihiin:

  • Dhismaha maamul goboleedyada.
  • Dib u eegista iyo ansixinta dastuurka.
  • Horumarka ciidamadu ka sameeyeen soo celinta nabad gelayada.
  • Gorfeynta xaaladda siyaasadeed ee dalka.
  • Maareynta dhaqaalaha iyo isla xisaabtanka.

Maaalinta labaad oo kulanku noqon doono heer madaxweyne waxaa iyadana si gaar ah loogu eegi doonaa qorshaha Soomaaliya ee sanadka 2016 iyo weliba suuragalnimada in la gaaro dhamaan yoolashii barnaamijka Higsiga Cusub ee shanta ahaa:

  1. In la dhiso qaranimada Soomaaliya.
  2. In la sugo ammaanka dalkana laga dhigo mid xasiloon.
  3. In dimuqraadiyada la dhaqan geliyo.
  4. In la dhiso maamullo qayb ka noqda Dowladda Federaalka.
  5. Iyo in la xoojiyo midnimada.

Marka shirku soo gaba gaboobo dhamaan dhinacyada ka qayb galay ayaa si  wadajir ah usoo saari doona war-murtiyeed soo koobaya nuxurka shirka iyo weliba talaabooyinka xiga ee la qaadayo.

Shirka Copenhagen wuxuu kusoo aadayaa xilli khilaaf siyaasadeed oo xoogani hareeyey hay'adaha Dowladda Federaalka, khilaafkaasoo sabab u noqday in beesha caalamku ka rajo dhigto Soomaaliya gaar ahan Maraykanka oo sheegay inuusan ka qayb geli doonin shirka maalinta berri ah furmaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM