​Colonel Tareedisho "7 katirsan Shabaab ayaan Galgaduud ku dilnay"

Image

MUQDISHU, Somalia- Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee Bariga Galguduud Col Axmed Tareedisho, ayaa sheegay in ciidamadooda sida gaarka ah u tababaran ay ku dileen deegaanka massagawaay ee Gobalka Galgaduud ay ku dileen 7 katirsan ururka Al Shabaab.

Howlgalkan ayaa taliyuhu xusay inay ku dhaawaceen sideed kale islamarkaana kusoo furteen hub iyo saanad miletari oo kooxdaasi lahayd.

“Saldhig ay Al-shabaab lahaayeen oo ku yaalla Deegaanka Masago-waay ayaan weerarnay, Saldhigga waan burburinay, waxaan halkaas ku dilnay 7 ka tirsan kooxda alshabaab 8 kalana waan ka dhaawacnay hubkoodiina waan soo furanay,” Ayuu yiri Col Tareedisho.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in uu halkaas si dirqi ah uga baxsaday Horjoogihii maleeshiyadaas oo lagu naaneyso Adkaar, kaas oo mas’uul ka ahaa dilalka shacab dhawan ay laayeen maleeshiyaadka Shabaab.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha la doonayo in kooxda Al Shabaab looga saaro dhamaan deegaannada dhaca bariga Galgaduud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM