Cosoble oo raadinaya in magaalo madaxda Somalia kamid noqoto Hir-Shabeele

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeele oo mudooyinkii ugu dambeeyey ka hadlayey in gobolka Banaadir yahay gobol ka tirsan maamulka Hir-Shabeele ayaa mar kale ka hadlay mowqifkiisa ku aadan maqaamka siyaasadeed ee magaalo madaxda Somalia.

Maamulka Hir-Shabeele oo ka kooban gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiraan ayaa dhulkiisa miyiga ah waxaa intiisa badan maaamula ururka Al shabaab

Cosoble oo  bilaabey ku xisaabtanka nidaamka Federaalka tan iyo intii la doortey Madaxweyne Farmaajo ayaa isagoo ka hadlaya gobolka Banaadir waxaa uu yiri:   

"Nidaamka Federaalka anagu ma dooran, afti looma qaadin, hadana qorshahan mid aanu anagu ka baaraan degnay ma aheyn.

Waxaa noogu soo xigtey labo gobol iyo wixii ka badan ayaa noqon kara Federaal, xagee arrintaasi ummada Soomaaliyeed lagu weydiiyey? ma jirto, yaa lagala tashtay? ma jirto, Nidaamkaa isaga ah nidaam cadaalad ku dhisan miyaa? ma'aha runtii.

Xaqiiqdu waxay tahay labo gobol iyo wixii ka badan intaan la dhihin, ummad waxay wax usameysata siday isku raaci karto, qaab aysan isu raaci karin mahan in la dhaho nidaamka federaalka qaabkaasi buu ahaanaaya idinkuna ma  buuxin kartaan shuruudaasi ee idinka sidaasi baa la idiin maamulaya.

Gobolka Banaadir iyo caasimada Muqdisho labo shaqo isku leh mahan, caasimada dowladda degan, qof walbo oo Soomaali ahna xaq buu u leeyahay inu ku noolaado.

Gobolka Banaadir baa soo haray, Gobolka banaadir waa deegaan dad baana iska leh, fac ka fac ayuu jiray, runta hadii aan usoo laabano Soomaaliya dib u heshiisiinteedii waxaa ka dhiman dowladd goboleedka Banaadir.

Gobolka Banaadir waxaa ku nool dad ka badan saddex milyan oo qof , dad ka badan dadka gobolada oo la isku dardaray ayaa ku nool , suuragalna mahan in la dhaho dowladda dhexe cod kuma lahaanayaan.

Dulmi ma wadno, Gobolka Banaadir waa State waana la dhisaya state-kaasi, weliba waxaan idiin sheegaya haday Puntland ay jubaland dhistay, Hirshabelle ayaad dhisaysa Gobolka Banaadir, weliba waxan idiin sheegay gogoshu waa balcad, 

Aayad quraan ah mahan labo gobol iyo wixii ka badan, Banaadir waa dowladd goboleed waana la dhisaya." 

Maamulka Hir-Shabeele ayaa deganadiisa miyiga ah waxa gacanta ku haya ururka Al shabaab kuwasoo go'doomiyey magaalada Buulo-Barde.

Xuquuqda qorista hadalka Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeele waxaa iska leh Jamac Depraani. 

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM