Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan kasoo saaray Koox diimeed Masar looga dhawaaqay

Image

MUQDISHU, Somalia- Hay’adda ay ku midaysanyihiin culimada Somaliyeed ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdishu, ayaa maanta war kasoo saaray koox-diimeed 5-tii bishan looga dhawaaqay dalka Masar oo lagu magacaabo al-Saaciduuna bil Xaq.

Culimada oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdishu, ayaa sheegay in kooxdaas ay wado fikir lagu gaalaysiinayo umadda islaamka  ah, waxayna u nisbeeyeen ururkii Tafkiirka la oran jire ee Lixdameeyadii kasoo baxay Masar.

Bayaan shirkaas kasoo baxay ayay sidoo kale looga digay umadda Islaamka ah inay qaataan fikirka kooxdan oo la sheegay inuu ku salaysanyahay afkaar khaldan iyo sunnaha Nabiga oo si qalloocan loo adeegsanayo.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen kooxdan inay kasoo laabato fikirkaas oo ay u tooban keenaan ALLE Subxaanahu-Watacaalaa.

Qoraalkaas ayaa sidoo kale culimada Somaliyeed lagu faray inay ka shaqeeyaan sidii shacabka looga digi lahaa inay qaataan mabda’an.

Khudbadihii laga jeediyay Masaajidda dalka Somalia ayaa aad looga hadlay arrintan oo la sheegay inay tahay bur-bur hor leh iyo kala qaybin lagu samaynayo dadka Islaamka ah, waxaana bulshada loogu baaqay inay ka fogaadaan qaadashada fikirkan.

Bayaanka Culimada Somaliyeed ayaa kusoo beegmay xilli kooxdan laga taageeray deegaanada Somalida gaar ahaan Puntland iyo Somaliland, kadib war-saxaafadeedyo ay soo saareen rag sheegaya inay qaateen baaq kasoo baxay ururkan looga dhawaaqay Masar todobaadkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM