Cumar C/rashiid: Soomaaliya xaalad khatar ah bay ku jirtaa

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid ayaa Maanta shan sano kadib dib ugu soo laabtey Muqdisho, isagoo socdaalkiisa kusoo aaday xili khilaaf xoog leh ka taagan yahay doorashadda Baarlamaanka.

Waxuu Garoonka kula hadlay warbaahinta, isagoo dul istaagey musuq-maasuqa ka jira doorashadda, oo sababtay in musharixiinta ay qaadacaan.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in qaladaadka ka jira doorashadda ay sabab u tahay habraaca loo marayo oo qaldan, kaasoo markii hore ay ku heshiiyeen madaxda dowladda iyo Maamulada.

"Habraaca wuxuu gacanta u geliyay hogaamiyeyaasha dowladda iyo Maamulada doorashadda, oo ay ku tagri falayaan," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wuxuu intaasi ku daray in doorashadda socoto aan la aqbali karin, islamarkaana ay keenayso in laga hortago ama ay diidaan dadka, taasoo keenaysa xasilooni darro iyo inay meesha ka baxdo dowladnimada.

Hadalka Ra'iisul Wasaarihii hore ayaa imaanaya xili Musharixiinta ay sheegeen inaysan aqoonsan doonin natiijadda doorashadda la boobayo, islamarkaana ay kahor tagi doonaan.

Waxay sheegeen inay kulamo wadatashi ah ay la yeelan doonaan qeybaha kaal duwan ee bulshadda, islamarkaana ay qaadi doonaan tallaabooyin dalka lagu badbaadin doono, oo aysan sheegin nooca ay yihiin.

Bishii April ee sanadkan, Musharixiinta ayaa abaabulay kacdoon hubeysan oo looga hortagay Mudo-korarsigii Farmaajo sida sharci darada u sameysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM