​Cumar Cabdirashiid "NISA farogalinta ha ka dayso Odoyaasha"

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'isal wasaaraha waqtigu ka dhammaaday ee Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa soo saaray waraaq ka dhan ah howlgallada ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka [NISA].

Qoraalkan oo la qoray 29 November, 2016, balse la baahiyay maanta, ayaa lagu sheegay in Ciidamada NISA, afduub u gaysteen Oday dhaqameed kasoo jeeda gobollada Waqooyi, kaasoo lagu xiray magaalada Muqdishu.

Tallaabadaas, ayaa odoyaal dhaqameed ka hadlay caasumadda Somalia, waxay ku eedeeyay inay ka dambeeyeen siyaasiyiin ku jiray xukuumadda Waqtigu ka dhammaaday.

War-qadda kasoo baxday mudane CCC, ayaa loogu digay NISA, inay faraha la gasho arrimaha doorashooyinka dadban ee dalka ka socda, waxaana lagu sheegay in howlaha amniga u xilsaaranyihiin guddi dowladdu magacowday.

Arrintan ayaa daaha ka rogtay, khilaaf la sheegayo inuu u dhaxeeyo Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Xasan Sheekh iyo RW Cumar Cabdirashiid, kuwaasoo labaduba u sharaxan doorashada Madaxtinimo ee dalka ka dhici doonta 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM