Cumar Cabdirashiid oo Cadaado ka dagay

Image

CADAADO, Somalia- Ra'isal wasaaraha waqtigu ka dhammaaday Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake iyo wafdi lasocdo ayaa goor gaaban galabta ka dagay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah maamulka Galmudug.

Wafdigan oo ilaa maanta laga sugayay magaalada Garowe, ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wararka uu helayo Garowe Online, ayaa sheegaya in Cumar Cabdirashiid degmadaasi kulamo kula yeelanayo mas'uuliyiinta Galmudug.

Wuxuu kala hadlayaa arrinta colaadda degmada Galkacyo iyo sidii labada maamul uga hishiin lahaayeen arrimaha muranku ka jiro.

Cumar oo garwadeen ka ahaa hishiiskii labada dhinaca gaareen Sanndkii 2015, ayaa xogtu sheegaysa in Cabdikariin Xuseen Guuleed cadaadis ku saarayo sidii looga tanaasuli lahaa colaad ka dhacda gobolka Mudug.

Barri, ayaa la filayaa inuu yimaado magaalada Garowe Caasumadda Puntland oo la filayo inuu kula kulmo madaxda Puntland.

Mudane CCC, ayaa sidoo kale Garowe u imaanaya doorashada Xubnaha Aqalka sare oo Axadda la filayo inay ka dhacdo hoolka golaha Wakiillada Puntland.

Wuxuu ka midyahay murashaxiinta ku jira liiskii uu dhawaan soo saaray madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM