Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay xariga CC Shakuur

Image

UAE - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ahna Senetar ka tirsan Aqalka sare ayaa si kulul u cambaareeyay xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo habeenkii 3aad ku jira xabsi.

Wuxuu ugu baaqay dowladda in si deg deg ah usii dayso Siyaasiga, oo uu sheegay in sababta loo xiray ay tahay oo kaliye inuu fekerkiisa cabiray, kana hadlay xaaladda dalka iyo daldaloolada dowlada Federaalka.

Wareysi uu siiyay VOA isagoo ku sugan dalka Imaaraadka, ayaa Cumar Cabdirashiid wuxuu beeniyay in isaga iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ka shaqeynayeen mooshin ka dhan ah Xukuumadda Khayre.

"Qiyaano qaran hadii laga hadlayo ma jirto mid ka weyn in muwaadin Soomaaliyeed si qaldan loogu dhiibo dowlad shisheeye," ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Eedaha qaran-dumiska dowladda ay wado ayuu sheegay inuu yahay mid khatar ku ah masiirka dalka, oo keeni karta in Soomaaliya ku laabato waxay kasoo gudubtay ee ah dagaalka sokeeye iyo colaaddaha.

Senetarka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishkuur, waxaana wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda hadda jirta ay caburiso siyaasiyiinta oo xabsiga ku dhigto eedaymo aan cadeymo loo haynin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM