​Cumar Cabdirashiid oo muranka Badda ka hadlay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Ra'isal wasaaraha xilku ka dhammaaday Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake iyo wafdi la socda ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe caasumadda Puntland.

Madaxweyne Gaas, Guddoonka Barlamanka, xubno katirsan golaha wasiiradda iyo Xildhibaanada, shacab isugu jira rag iyo dumar ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Canoco.

Ra'isal wasaare Cumar iyo Madaxweyne Gaas, ayaa si wadajir ah ula hadlay warbaahinta, madaxweynaha Puntland sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada uu Wasiikii koowaad ee xukuumaddi waqtigu ka dhammaaday kusoo gaaray deegaanada Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Ra'iisul-wasaaruhu u yimi Puntland sidii loo sii amba qaadi lahaa geeddi socodka hannaanka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha soo socda, isla markaana uu doonayo Ra'iisul-wasaaruhu in uu si dhow ula socdo xasilloonida iyo nabadda gaamurtey ee ka jirta Puntland.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake oo lagu dhaliilayo inuu qayb ka ahaa qorsha Kenya ku damaaciday Badda Kenya, ayaa su'aal is hortaag lagu sameeyay waxaa laga weydiiyay wuxuu kala socdo muranka badda ee doodiisu ka socoto maxkamadda ICJ, magaalada Hague ee dalka Holland.

Sharmake, ayaa xusay inuusan doonayn ka hordhicida dacwadda socota, isagoo iska fogeeyay inuu ku lug lahaa damaca Kenya ku qaadatay biyaha Somalia, isagoo sheegay in  2005-tii la sameeyay khariiradda kala xadaynta, wuxuuna sheegay in si khaldan loo dhigayo waraaqihii ay saxiixeen oo sida hadalka u dhigay labada waddanba codsanayeen in badda la dheereeyo xadkeeda.

Ugu dambayn Ra'iisal wasaaraha ayaa ku ammaanay dawladda Puntland nabad-gelyada, xasilloonida iyo hannaanka dawladnimo ee ka jirta, isagoona u rajeeyey in nidaamka doorashooyinku  si wanaagsan uga qabsoomi doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM