D. Federaalka oo qabatey nin Maraykanku ku darey liiska argagixisada

Image

March 3, 2015 (GO)- Hay'adda Sirdoonka Dowladda Federaalka (NISA) ayaa shaacisey inay gacanta ku dhigtey nin asalkiisu Soomaali yahay oo horay Dowladda Maraykanku ugu dartey liiska argagixsada.

Ninkaas oo lagu magacaabo Liibaan Xaaji Maxamed da'diisuna 29 sano jir tahay waxaa lagu soo eedeeyey inuu ka tirsanaa Al-shabaab una qaabilsanaa qorista xubnaha cusub ee kooxdaas ku biiraya.

Maraykanka ayaa abaal marin lacageed oo gaareysa konton kun oo doollar u ballan qaadey ciddii keenta xog sahleysa soo qabashada Liibaan Xaaji.

Dhowr sarkaal oo xilal muhiim ah ka hayey Al-shabaab ayaa bilihii u dambeeyey isu soo dhiibey Dowladda Federaalka qaar kalena waxaa lagu diley duqeyn dhanka cirka ah oo ay diyaaraha Maraykanku geysteen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM