Daacish oo sheegatay Qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay magalaada Muqdisho kaasoo lagu dilay ugu yaraan 4 Askari oo katirsanaa Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal lagu baahiyay "Amaq News Agency" oo ah barta ay wararka soo dhigtay Kooxda ayaa lagu xaqiijiyay in ka dambeeyeen weerarka oo ka dhacay BarKoonatrool oo Ciidamada Xasilinta kuu leeyihiin degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Daacish ayaa sidoo kale shaacisay in Hal Askari oo kale ay ku dhaawacday Qaraxan, oo ahaa miido lagu aasay meel fariisin u ah Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ha'adaha dowladda oo ku aadan Qaraxa iyo sheegashada Daacish, oo ah Kooxda dhawaanahan dardar gelisay weerarada ay ka geysato magaalada Muqdisho.

Horaantii bishan, Daacish ayaa soo saartey sawirro iyo muuqaalka ay ku xaqiijinayso dilal ay ku fulisay Suuqa weyn ee Bakaaraha, kuwaasi oo uu kamid ahaa Askari kuwa Taraafikada, kaasi oo dilkiisa la sheegay in loo qabtey labo qof oo looga shakiyay.

Daacish ayaa ku awood badan buuralayda gobolka Bari, ee Puntland halkaasoo ah meesha sanado kahor lagu aas-aasay, iyadoo fulisay dhowr weerar iyo dilal ka dhacay Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 07:25PM

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM