​Daawo: Xasan Sheekh oo ka hadlay eedaha uga yimaada siyaasiyiinta

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdishu caasumadda dalka ayaa ka hadlay arrimo ay kamid ahayd eedo uga imaanayay muddooyinkii dambe siyaasiyiinta u sharaxan hoogaanka waddanka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in madasha wadatashiga Qaran ee ka socotay magaalada Muqdishu ujeedkeedu ahaa sidii dalka looga saari lahaa jahwareerka siyaasadeed islamarkaana la isula fahmi lahaa waxyaabaha socda ee doorashada khuseeya, wuxuuna intaasi ku daray in dowladiisu dadaal u gashay sidii loo dhammayn lahaa khilaafaadka jiray.

Wuxuu sheegay in dalka ay kasoo saareen marxalad adag islamarkaana maanta uu marayo isbadal siyaasadeed isagoo tilmaamay in madashu diyaarisay qaabkii doorashada u dhici lahayd iyo meelaha ay ka qabsoomayso.

Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday eedo muddooyinkii dambe uga imaanayay siyaasiyiin uu sheegay inay raadinayaan talada dalka, wuxuuna sheegay in qorshahayaasha iyo hadallada ay wadaan aysan ahayn kuwo wax u dhimaya hormarka dalka islamarkaana ay ku gaari karaan ahdaaftooda siyaasadeed.

Dhaleecayntaas ayuu sidoo kale xusay inaysan waxba ka badali karin magaca iyo sumcadda dalka Somalia, isagoo ugu baaqay inay wax wanaagsan sheegaan ee ay iska daayaan aflagaadaynta iyo waxa uu ugu yeeray "Xag-xagasho dowladeed".

Hadalkan ayaa yimid xilli madaxweyne Xasan Sheekh ka dhamaaday muddo xileedkiisii islaamrkaana muddooyinkii dambe murashaxiinta madaxtinimo usoo jeedinayeen inuu hogaanka dalka ku wareejiyo Afhayeenka Barlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM