Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo sii fidaya

Image

MUQDISHU, Somalia- Dab kacay Salaaddii Subax ayaa wali kasocda magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kaasoo hadda kusii fidaya qaybo kamid ah xarumaha ganacsi oo ku yaalla halka loo yaqaano Khaliifa.

Lama yaqaano waxa kiciyay dabkaas, balse waxaa lagusoo waramayaa inuu gaystay khasaaro hantiyeed oo xoog leh.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah, dabkan ayaa gabi ahaanba bur-buriyay hanti dad ganacsato ah kulahaayeen Bakaaraha.

Waxaa socda dadaallo lagu bakhtiinayo oogta Dabka oo guud ahaanba laga arkayo qaybo kamid ah magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Waxaa halkaas tagay baabuurta gurmadka deg dega ah ee  dab-damiska kuwaasoo tuubooyin waaweyn oo biyaysan u isticmaalaya colaha wali sii fidaya.

Shacabka laftigiisa ayaa wada dadaal  lagu bad-baadinayo hantida suuqaas ku jirta, waxayna qayb kayihiin gurmadka lagu daminayo dadbkaas.

Wuxuu kusoo beegmay xilli saaka waabarigii hore ganacsatadu doonayeen inay goobahooda dib u furaan.

Maaha markii ugu horaysay dab noocaan ah uu ka kaco magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, waxaana inta badan keena meherado  lagu kariyo cuntada oo ku dhex-yaalla suuqa, kuwaasoo inta badan sabab u ah khasaaraha iyo dabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM