Dab qabsaday Suuq ku yaalla Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dab xooggan ayaa maanta qabsaday Suuq ku yaalla magaalada Muqdisho, kaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Dabka oo ka kacay kaalin Shidaal oo ku taalla meel ku dhaw Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo halkaasi ku yaallay.

Kooxaha dab-damiska ayaa ku guuleystay inay demiyaan dabka, oo burbur dhaqaale gaarsiiyay ganacsato badan.

Lama oga illaa hadda sababta damba uu ku billowday, balse waxaa loo malaynayaa cilad koronto. Ma jirto khasaaro nafeed oo dabka sababay, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen.

Suuqyada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe kusoo banadayay dabka noocan ah, oo geesta khasaarooyin hantiyadeed, waxaana ugu dambeeyay mid bartamihii sanadkan ka baabi'iyay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha.

Dhanka kale, hal canug ayaa ku dhintay dab qabsaday Kaam ay ku nool yihiin dad barakaciyaal ah oo ku yaalla Xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM