Dab qabsadey keydka hubka ee xarunta sirdoonka Soomaaliya

Image
Illaa haatan, ma cadda sababta dhabta ah ee dhalisay dabka. Ma jiro wax war ah oo taliska NISA uu kasoo saaro dhacdadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qeybta keydka hubka ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa fiidnimadii xalay waxaa ka kacay dab, sidda ay GO u xaqiijiyeen saraakiil dhanka ammaanka ah iyo goobjoogeyaal.

Fahfaahinta ayaa intaas ku daraysa in dab damiska oo soo daahay ay sababtay in ku dhowaad 30-daqiiqo ay qaadato in la damiyo iyo in uu ku naf-wayaay hal askar kuna dhaawacmeen tirro kale.

Illaa haatan, ma cadda sababta dhabta ah ee dhalisay dabka. Xog ayaa sheegaysa "in ay gubteen noocyo kala duwan hub ah iyo feylal". Ma jiro wax war ah oo taliska NISA uu kasoo saaray dhacdadan. 

Inta la og-yahay, waa markii ugu dambeysay oo dhacdo noocaan ah laga soo wariyo xarunta mukhaabaraadka Soomaaliya oo ku taala degmada Shibis isla markaana ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in hogaanka NISA uu amar ku bixiyey in baaritaan lagu sameeyo kiiskan gaar ahaan kaamirooyinka qarsoon ee xarunta.

Is-qabqabsi dhanka awooda ah

"Waxaa suurtagal in askarta ilaalada ku qorneyd qeybtood la xiray kadib dhacdadan. Qeybta keydka iyo xafiiska agaasimaha aad ayay isugu dhow yihiin," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Bishii July 20-keeda sanadkii 2018-kii, xafiiska taliye ku xigeenkii hore ee NISA, Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed, ayaa la jabiyey. Sawirro laga soo qaadey ayaa muujiyey faylal iyo agabyo kale oo si ba'an loo burburiyey.

Cabdalla ayaa kamid ahaa saraakiisha NISA ku biirtey muddo xileedkii koowaad ee madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud. Falka lagu jebiyey xafiiskiisa waxaa lala xiriiriyey loolan dhanka awoodda ah.

Bishii September, 10-keeda sanadkii 2018-kii, madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa darajooyinka ciidan ka xayuubiyey Jeneraal Cabdalla Cabdalla taasoo ka dhigneyd in NISA laga saarey.

Bishii August 30-keeda sanadkan 2022 sii dhamaanaya, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa darajooyinka ciidan u soo celiyey Jeneraal Cabdalla Cabdalla waxaana la rumeysan yahay in dib u shaqo bilaabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM