Dab xalay qabsadey qayb kamid ah suuqa degmada Afgooye

Image

April 27, 2015 (GO)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmey goobo ganacsi oo dhowr ahina way ku baa ba'een dab xalay qabsadey suuqa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dabkan oo ka dhashay shoor dhanka korontada ah ayaa qabsadey qayb kamid ah suuqa, gaar ahaan qaybta lagu iibiyo shidaalka.

Qofka dhaawacmey oo sida lagu soo warramayo xaaladiisu sahlan tahay ayaa waardiye ka ahaa mid kamid ah meheradaha gubtey.

Dadweynaha afgooye oo adeegsanaya biyo iyo ciid ayaa markii dambe ku guuleystey inay dabkaas xakameeyaan.

In badan oo kamid ah magaalooyinka Soomaaliya ayaan lahayd gaadiidka dab-demiska iyo kooxo u tababaran la-dagaalanka dabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM