Dablay toogatay sarkaal boolis ah oo la khaarajiyay

Image
Beledweyne waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu ammaanka xun guud ahaan Soomaaliya.

BELEDWAYNE, HirShabelle – Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa xalay lagu khaarajiyay labo xubnooda oo la sheegay inay ka tirsanaayeen maleeshiyada Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo xaafadda Howlwadaag ee magaaladaas ku dilay sarkaal lagu magacaabo Axmed Xasan Biriq oo ka tirsanaa booliska HirShabeelle.

Sawirro ay aragtay Garowe Online ayaa muujiyay meydadka labada nin ee la toogtay, kuwaas oo dusha laga saaray bistooladihii ay sarkaalka ku dileen.

Sidoo kale saraakiisha ammaanka magaalada Beledweyne ayaa GO u sheegay in nolosha lagu qabtay seddax qof oo kale, kuwaas oo lagu tuhmayo in ay dilka sarkaalka ku lug lahaayeen.

"Laba Shabaabka ah waa tooganay, dad aan is leenahay qayb ayay ka ahaayeen howlgalka fashilmay ayaa hada ku xiran saldhiga Beledweyne waxaana ku socda baaritaan," ayuu yiri sarkaal la hadlay Garowe Online oo diiday in aan xigano magaciisa sababtoo ah looma ogola in uu hadlo dhacdadaan.

Beledweyne waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu ammaanka xun dalka, waxaana ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo inta badan ay masuuliyadooda sheegato kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida.

Sidoo kale magaalada waxaa ka socota doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan, waxaana ku sugan dhamaan madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Weerarada kooxda ee Beledweyne kama hor istaagin in ay magaaladda ku suganyihiin ciidamo ka tirsan Gor Gor, Haramcad, Militeri Soomaaliya iyo booliska Hirshabeelle oo magaaladaasi loo geeyay sugida ammaanka doorashada golaha shacabka.

Kooxaha dadka dila oo inta badan baxsa jiray ayaa xalay la toogtay, kadib markii howlgal deg deg ah ay ciidanku fuliyeen, waxaana meydadka ragga lasoo bandhigay ka miuuqata rasaas aad u badan oo jirkooda lala dhacay.

19 February, 2022, ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhimatay maqaayad ku taalla Beledweyne kadib markii qof isku soo xiray wax yaabaha qaraxa uu isku dhax qarxiyay goob oo ay ku sugnaayeen odoyaal dhaqameed iyo ergooyin doonayay in ay ka qayb qaataan codaynta ka dhacaysa Beledweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM