Dad biyo la'aan ugu geeriyoodey gobolka Shabeellada Dhexe

Image

March 22, 2015 (GO)- Ugu yaraan toban qof ayaa 48dii saac ee lasoo dhaafey biyo la'aan ugu geeriyoodey deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Dadkaas oo carruur u badan waxay ku geeriyoodeen tuulada Yaaqley iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran, halkaasoo muddo sanad ka badan aanu wax roob ahi ku di'in.

Nabadoon Cabdiraxmaan Madoobe oo kamid ah waxgaradka tuulada Yaaqley ayaa warkaas u xaqiijiyey warbaahinta.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qiimaha biyuhu aad kor ugu kacay halka litirna lakala siisanayo lacag dhan labaatan kun oo shilin Soomaali ah una dhiganta $1.

Nabadoonku wuxuu baaq u direy Dowladda Federaalka, hay'adaha samafalka iyo dadka Soomaaliyeed ee khayrka jecel, isagoo ka codsaday inay dadka dhibaateysan usoo gurmadaan.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli roobabkii Gugu curteen, meelo badan oo Soomaaliya ka tirsanna uu roob ka da'ayey labadii maalmood ee ugu dambeeyey.

Tuulada Yaaqley ayaa kamid ah deegaanada ururka Al-shabaab ka arimiyo, waxaana adag in si dhaqso ah halkaas gurmad loo gaarsiiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM