Dad isku qoys ah oo ku dhintay dagaalka Beledxaawo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shan qof oo isku qoys ahaan kuna jiraan caruur ayaa lagu waramay in ay ku nafwaayeen dagaalkii xalay ka qarxay magaalada Beledxaawo ee dhacda xuduudka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Hooyadda reerkan ayaa la sheegay in uu soo gaarey dhaawac culus laguna daaweynayo mid kamid ah xarumaha caafimaadka magaaladda.

Sidda ay muujinayaan macluumaadyadda, aabihii qoyska ayaa lasoo wariyey in uu kaliya ka badbaadey hoobiye ku dhacday guriga ay degan yihiin.

Waxyeelada soo gaartey qoyskaan ayaa qeyb ka ah khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay dagaalkan u dhaxeeyay ciidamadda dowladda federaalka ku daabushay halkaas iyo askar daacad u ah wasiir Cabdirashiid Janan.

Mas'uuliyiin u kala hadashay labada dhinac ayaa isku eedeeyay in midba kan kale uu soo qaadey weerarka kalana sheegtay guulo waaweyn.

Saraakiil dhanka caafimaadka ah oo u waramay warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyey in dhaawacyadda in ka badan 20 qof oo isugu jira shacab iyo askar, balse waxay ka gaabsadeen in ay ka waramaan khasaaraha dhimashada.

Ciidamadda uu horkacayo Wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, ayaa xalay saqdii dhexe qabsaday saldhiga booliska iyo xarunta degmadda Beledxaawo, balse waxaa weerar rogaal-celin ah kusoo qaadey askarta dowlada.

Xukuumada federaalka iyo maamulka gobolka Gedo ayaa kadib waxay sheegeen in duhurnimadii maanta ay la wareegeen barahaas. Hasa ahaatee, sheegashadaas wali wax jawaab ah kama bixin maamul goboleedka Jubaland.

Gobolka Gedo ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan in doorashooyinka Soomaaliya ee 20202-21 ay waqtigooda ku qabsoomaan, wallow ay socdaan dedaalo caalami ah oo la doonayo in xal waara looga gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM