Dad ku geeriyooday dagaal beeleed ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan tobban qof ayaa ku dhimatay, tirro kalana ay ku dhaawacmeen dagaal Sabtida maanta ah degmadda Kaaraan ee bariga Muqdisho ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan milatariga Soomaaliya.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxay sababta keentay isku-dhaca; fahfaahinada qaar waxay ku sheegayaan in uu salka ku hayey aano qabiil, halka warbixino kale ay muujinayaan in ka dhashay is-qabqabsi dhul oo saraakiil u dhaxeeya.

Qof kamid ah dadka degaanka oo telefoonka ugu waramay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in askarta ay isku-adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana is-rasaaseynta ay socotay ku dhowaad hal saac.

"Dhulka la sheegay in ay isku hayaan saraakiisha wuxuu ku yaalaa aagagaarka mirinaayo ama meel u dhaw kawaanka Bari ee degmada Kaaraan," ayuu yiri qofkan codsaday in aan magaciisa loo adeegsan qalabka warbaahinta.

Maamulka degmadda iyo taliska milatariga Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dhacdadan. Isku-dayo uu GO doonayey in uu ku gaaro ma aysan guuleysan.

"Inkasta oo dhimashada badkeedu tahay labada dhinac – askar – haddana waxaa ku jiray shacab gaar ahaan caruur la ii sheegay in ay kasoo laabteen goobaha waxbarashadda," ayuu hadalkiisa ku daray goobjooge la hadlay Garowe Online.

Isku-dhacan ayaa kusoo hagaagaya xilli xaaladda siyaasadeed ee waddanka aysan deganeyn isla markaana hubanti la’aan weyn ay ka jirto in waqtigeeda ku dhaceyso doorashooyinka heer Qaran ee loo balansan-yahay sanadka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM