Dad ku dhintay dabkii Suuqa Bakaaraha oo goor-dhaweyd la damiyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Dadaal saacado badan qaatay oo ay wadeen shacabka iyo laamaha kala duwan ee dowlladda ayaa keentay in la demiyo Dab xooggan, oo xalay abaare 3:00 A.M. (Saqdii dhexe), ka kacay Suuqa ugu weyn magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Taliyaasha ciidamada Nabad sugidda iyo Booliska Soomaaliya Cabdullaahi Gaafow iyo Maxa'ed Sheekh Xasan Xaamud oo booqday qeybta gubatay ee Suuqa ayaa ka warbiyay khasaaraha ka dhashay dabka.

Jeneraal Xaamud ayaa xaqiijiyay in Labo qof ay ku dhimatay dabka, kuwaasi oo ahaa dad jiifay qaar kamid ah Dukaamada uu dabka qadsaday, sidoo kalena ay ku hanti-beeleen Ganacsato fara badan.

Dabka wuxuu baabi'iyay dhul baaxad ahaan gaarayo 500 oo Mitir, oo ay ku yaalleen Ganacsiyo kala duwan.

Aagga gubtay ayaa loo yaqaanaa Suuqa Khilaafa, oo kamid ah qeybaha aadka u camirnaa.

Warar uu Warsidaha Garowe Online ka helay Mas'uuliyiinta Maamulka degmada Howlwadaag ayaa sheegaya in khasaaraha uu gaarayo 3 ruux, oo mid kamid ah uu katirsanaa Shaqaalaha Dab-damiska.

Ilaa hadda si rasmi ah, looma oga waxa sababay dabka, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dhalatay cillad koronto, oo horey sidan oo kale u gubtay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha ee Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM