Dad ku dhintay dabkii Suuqa Bakaaraha oo goor-dhaweyd la damiyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Dadaal saacado badan qaatay oo ay wadeen shacabka iyo laamaha kala duwan ee dowlladda ayaa keentay in la demiyo Dab xooggan, oo xalay abaare 3:00 A.M. (Saqdii dhexe), ka kacay Suuqa ugu weyn magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Taliyaasha ciidamada Nabad sugidda iyo Booliska Soomaaliya Cabdullaahi Gaafow iyo Maxa'ed Sheekh Xasan Xaamud oo booqday qeybta gubatay ee Suuqa ayaa ka warbiyay khasaaraha ka dhashay dabka.

Jeneraal Xaamud ayaa xaqiijiyay in Labo qof ay ku dhimatay dabka, kuwaasi oo ahaa dad jiifay qaar kamid ah Dukaamada uu dabka qadsaday, sidoo kalena ay ku hanti-beeleen Ganacsato fara badan.

Dabka wuxuu baabi'iyay dhul baaxad ahaan gaarayo 500 oo Mitir, oo ay ku yaalleen Ganacsiyo kala duwan.

Aagga gubtay ayaa loo yaqaanaa Suuqa Khilaafa, oo kamid ah qeybaha aadka u camirnaa.

Warar uu Warsidaha Garowe Online ka helay Mas'uuliyiinta Maamulka degmada Howlwadaag ayaa sheegaya in khasaaraha uu gaarayo 3 ruux, oo mid kamid ah uu katirsanaa Shaqaalaha Dab-damiska.

Ilaa hadda si rasmi ah, looma oga waxa sababay dabka, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dhalatay cillad koronto, oo horey sidan oo kale u gubtay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha ee Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM