Dad ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Hiiraan

Image

01 January, 2016(GO)-Wararka ka imaanaya Galbeedka gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maalintii labaad uu kasocdo dagaal beeleed u dhaxeeya mallayshiyaad katirsan beelo dhawaan ku diriray magalada Baladweyne.

Khasaaro kala duwan ayaa laga soo sheegayaa, waaxaana wararka Garowe Online soo gaaraya xaqiijinayaan dhimashada 7 ruux oo ka kala tirsan garabyada dagaallamay iyo dhaawaca Toboneeye kale.

Dagaalkan ayaa daba socda khilaaf ka dhex aloosan laba beelood ee Galjecel iyo Jajeelle oo horey hishiis ugu gaaray xarunta gobolka Hiiraan kadib dagaal khasaaro badan dhaliyay, waloow aan lagaranayn sababta keentay in dagaalku soo cusboonaado.

Warar aan helayno qaybtood ayaa sheegay khilaafku inuu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, maadama dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh tagay gobolkaasi isagoo xal u raadinaya maamul ay yeeshaan Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.

Baladweyne ayaa loollan kula jirtay xarunta hadda loo asteeyay in lagu qabto shirka maamul u samaynta labada gobol ee Jowhar, waa arrintaas sababta dadka qaybtii u aanaynayaan dagaalka soo cusboonaaday.

Waxgaradka qaybtood ayaa sheegay inaysan tagi karin deegaanka dagaalku ka dhacay oo lagu magacaabo Buqgoosaar oo qiyaastii 60KM dhinaca Galbeed ka xiga Baladweyne sababo amni dartiis, waxay tilmaameen inay kala hadleen maamulka gobolka.

Ma jirto wax war ah oo soo saaray maamulka gobolka Hiiraan taasi oo ku aaddan dagaalka labada beelood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM