​Dad ku dhintay dagaal ka dhacay Mahadaay

Image

MAHADAY, Somalia- Dagaalyahano katirsan Kooxda Al shabaab ayaa xalay dagaal kula wareegay gacan ku haynta degmada Mahadaay, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Al Shabaab ayaa u suurta gashay inay saacado kooban haystaan maamulka degmada Mahadaay, kahor inta aysan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM weerar rogaal-celis ah kusoo qaadin saakay.

Wararka aan ka helayno Mahadaay, ayaa sheegaya in Al Shabaab xalay dadka deegaanka kula hadleen masaajidda, islamarkaana ay ugu hanjabeen qofkii la shaqeeya ciidam DFS iyo AMISOM inay dili doonaan.

Saraakiisha caafimaadka degmada Mahadaay ayaa xaqiijiyay in dagaalkii xalay ay ku dhimatay ugu yaraan 2 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 qof oo shacab iyo askar isagu jirto.

Todobaadki tagey, Kooxda Al shabaab ayaa sidan oo kale weerar kula wareegtay gacan ku haynta degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo, kuna dhaw xadka Kenya, waxaana ay haysteen muddo kooban.

Shabaab ayaa kordhisay muddooyinkii dambe weerarada, isagu jito qaraxyada iyo kuwa tooska ah, ee ay doonayso inay ku carqaladayso Doorashooyinka Baarlamaaniga iyo kuwa Madaxweyne ee Somalia.

Khamiistii lasoo dhaafey, 7 qof ayaa ku dhimatay Labo Qarax oo Al shabaab ka fulisay gudaha Muqdishu, kuwaasi oo ka kala dhacay Maqaaxida the Village, oo ku dhaw Villa Somalia iyo Ex-koontarool Afgooye.

Amniga Muqdishu ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaysa, xilli la filayo in maalmaha soo socdo lagu qabto dhaarinta Xildhibaanada cusub, doorashada Afhayeenka iyo Madaxweyne Cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM