Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Makhaayad ku taalla Muqdishu

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax culus ayaa galabta goor gaaban ka dhacay magaalada Muqdishu gaar ahaan Maqaaxi ku taalla wadadka mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama.

Goobjooge ayaa GO u sheegay in qaraxa uu ka dhashay Gaari lagu soo xiray walxaha qarka, oo la dhigay banaanka Maqaaxida Italian Coffee oo kasoo horjeeda xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia.

Qiiq iyo Uuro Madow ayaa hawada isku shareertey, waxaana dhawaqa qaraxa laga maqlay goobo fof-fog oo katirsan Muqdishu.

Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ayaa goobta gaarey kuwaasoo soo daabulay dhaawacyada, iyadoo ay ciidamada xireen wadadaka Makka Al-Mukarama.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan waxaa ku dhimatay 4 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sida ay sheegeen Hay’addaha ammanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambayso kooxda Al Shabaab.

Weerarka ayaa ka dhacay xilli dadweyne tiro badan ku sugnaayeen gudaha maqaaxida oo xilligaas laga shahaynayay.

Qaraxyo noocaan ah ayaa horay uga dhici jiray Muqdishu.

Majirto faah faahin dheeraad ah oo ilaa hadda kasoo baxday dowladda Somalia, taasoo ku aadan qaraxa iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Sawirro goobta lagasoo qaaday ayaa muujinaya bur-bur laxaad leh, dhaawacyo la sido iyo sidoo kale holac ka dhashay qaraxa baabuurkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM