Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax Ismiidaamin ay, ayaa saaka ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasumdda dalka Somalia, kaasoo gaystay khasaaro kala duwan.

Goob-joogayaal la hadlay  Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in Weerar loo adeegsaday Gaari Nooca HOMY-da ah.

Weerarka, waxaa lala beegsaday Dugsiga Tababarka Milliteriga ee Jeneral Dhega-badan ee degmada Wadajir.

Gaariga ayaa ku qarxay Nawaaxiga Warshadii hore ee Nac-naca, balse waxaa lala damacsanaa xero tababar ciidan oo ku taalla nawaaxigaas.

Askari katirsan ciidanka dowladda Somalia ayaa rasaas ku furay Gaariga markii uu Darawalkiisa ka dhega-adeegay inuu ka joojiyay Bar-koonatrool oo ciidamada AMISOM ku sugan yihiin halkaasoo ah goobta laga Dugsiga Tababarka Jeneral Dhega-badan.

Inta la ogyahay 3 ruux ayaa ku dhimatay qaraxa, iyadoo 5 kale oo labo kamid ah ay yihiin Carruur waxbarasho u socotay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada Qaraxa, balse waxa uu noqonayaa midkii labaad oo caasumadda ka dhacay mudo labo maalmood ah, kuwaasi oo geystay khasaarooyinka kala duwan.

Dhinaca dowladda Somalia lafteeda kama aysan hadlin qarax iyo amniga muqdishu oo muddooyinkii dambe sii xumaanayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM